Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Beledweyne

Madaxaweynaha soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajoiyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa gaaray magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan halkaasoo ay ku dhufatay fatahaada wabiga shabeelle

Madaxweyne Farmajo iyo wafiga ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku.

Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa ku fatahay webiga shabeele oo mara magaaladda Baladweyn waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah , ganacsatada iyo shacabka ayaa isku xilqaamay ururinta gargaar loogu talagalay inu lagu caawiyo shacabka dhibaatadu ka soo gaartay fatahaada webiga Shabeelle