Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya xasan shekh iyo sheekh shafiir oo loo diiday in ay ka baxaan garoonka Aadan Cadde

Safar la filayay inay ku baxaan Madaxweynaayaashii hore ee dalka iyo xubno ka tirsan madasha xisbiyada,iyagoona ku sii jeeday Magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan ayaa loo diiday inay ka baxaan garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magalada muqdisho.

Diidmada safarka madaxweynayaashii hore ayaa imaanaya kadib markii ay maamulka garoonka uu amar ku soo rogay in aanay ka bixi karin Wafdigaan oo uu hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed iyo Xasan sheekh maxamuud iyagoona maanta ku jeeday Baladweyne.

Ra’sal wasaaraha soomaaliya xasan cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka diyarahadaha isagoona ku siii jeeda magaalada baladweyne halkaasoo ay ka jirto Xaalad bani’aadannimo

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee soomaaliya sheekh shafiir ayaa manta la filayay in ay gaaraan magalada baladweyn si ay

Ujeedka socdaalka labada Madaxweyne hore ee soomaaliya ayaa ah sidii ay u kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed ay ka jirta Beledweyne iyo siduu u saameeyey wabiga Shabelle.