Madaxweynaha oo Dalka kusoo laabatay Xili Kiinya ay Jabisay Amarka Dowlada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay dalka kaddib safar labo maalmood ah oo ay ku joogeen dalka Itoobiya.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmeysa xili ay Dowlada Kenya si bareer ah ujabisay amarkii Dowlada ay kasoo saartay kaasoo ahaa in aysan Duulimaadyo toos ah tagi karin Kismaayo kuwaa oo ka imaanaya Kenya.

Madaxweynaha soo noqoshadiisa ayaa la filayaa in ay dhacdo isku shaandheyn Golaha wasiirada ah iyadoo la filayo wasiiro muhiim ah in ay xilalkooda waayaan.