Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo gaaray baraawe

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gaaray Degmada Barawe ee Casimada Dowladda Koonfur galbeed Somaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Gaaray Degmada Barawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka madaxweyne laftagareen iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in xariga ay ka jari doonaan Garoonka diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyey

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa qeyb ka ah,guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.