Madaxweynaha hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Ka tacsiyeeyay geerida guddoomiye Ku xigeenka amniga Sh/dhexe

Madaxweynaha hirshabelle maxamed cabdi waare ayaa tacsi udiray Gudoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe marxuum maxamed sugaal cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay koox bam gacmeed ay ku weerareen gurigiisa.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya afka golayaasha dowlad goboleedka iyo kan Shacbiga Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe marxuum Maxemad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen gurigiisa.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan shacabiga Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh/dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebbe uu uga baryay inuu jannatul fardowsa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare wuxuu faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi fulaynimada ah ee lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal, sharcigana la hor keeno dhagar qabayaashii ka dambeeyay.