Madaxtooyada oo Ka hadashay Kulanka dhexmaroyo Farmaajo iyo Madasha

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayaa goordhow ka hadlay kulanka lawada sugayo ee ka dhacaya Madaxtooyada Soomaaliya kaasoo dhexmaraya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal hore Xasan Shiikh iyo Shiiq Shariif.

Goor dhaweyd Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada ayaa bartiisa Facebook  ku daabacay sida hoos ku qoran.

Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.