Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa ay ku Qaabishay Madaxda IOM ee Barnaamijka MRC waxayna sidoo kale kormeereen Xarunta cusub ay dhawaan dhiseen,waxayna balan qaaden inay kala shaqeyn doonaan horumarinta caasimadda iyo awoodsiinta Dhalinyarada iyo shaqa abuurka. Iom ayaa waxa ay kashaqeesaa dalka soomaaliya in mudo ah iyadoona kashaqeesa Arimaha bani Aadanimada.