Madaxa Mucaaradka Dalka kambodia oo laga Qafiifiyay Xabsi Gurigii uu kujiray

Maxkamad  ku taala dalka kambodia ayaa  go,aan ay soo sartay xabsi gurigii kaga qafiifisay Hogamiyihii mucaaradka dalka kambodia ahaana aas aasihii xisbiga qaran ee badbadinta kambodia Kem Soqa .

Kem ayaa xabsi Guri lagu xukumay sanadkii 2017 kadib markii lagu soo Eedeeyay qiyaano qaran ayaa hada waxaa loo ogalanayaa in dibada kaga soo baxo balse uusan qaban isu soo bax siyaasadeed iyo  in uu dalka dibada kagabaxo.

Siideynta masuulkaan ayaa timid cadaadis ay midowga yurub ay saareen maamulka kambodia ayagoo ugu Hanjabay in kambodia ay kajari doonaan xiriirka ganacsi Ee kala dhaxeeyay . hogaamiyaasha mucaaradka dalka kambodia ayaa lakulma xabsi iyo hanjabaad kaga yimaada madaxda xisbiga muxaafidka iyo in laga hor istaago doorashooyinka dalka kadhaca.