Kooxo Hubeysan Oo Muqdisho Ku Dilay Haweeney Uur Lahayd Ka

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada macalin nuur ee degmada dharkeynley ku dilay haweeney uur laheyd kadib markii ay isku dayeen in ay xoog uga furtaan dahab u xirnaa

 Kooxdan hubeysan ayaa ka hor inta ay dilin ka qaatay taleefoon ka dibna waxa ay ka furteen dahabkii u xirnaa haweenydaas

Degmooyinka gobolka banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa soo badanayay ammni xumada iyo dhaca baahsan ee geysanayaan Kooxo hubeysan  kuwasoo dhac ugeysanaya dadka deeganka

Dadka dhibaatada xogan ku qaba ayaa waxaa kamid ah ardayda iskuulada iyo jaamacadaha,ganacsatada iyagoona sheegay in maalintii wadada loo galo habeenkiina guryahooda loo jabsado.