Kooxda Dharkenley oo la gudoon siiyay Koobka Degmooyinka

Munaasabad kooban oo xalay xili dambe lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium ayaa waxaa Koobka Ciyaaraha 17 degmo ee gobolka Banaadir lagu gudoonsiiyay Kooxda Ciyaaraha ee Degmada Dharkenley oo xalay afka ciida udartay Kooxda ciyaaraha ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir ka dib ciyaartii adkayd ee xalay ku dhaxmartay Garoonka ENG Yariisow Stadium.

Labada kooxood ayaa xalay Garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium ku soo bandhigay ciyaar cajiib ah isla markaana si aad ah usoo jeeditay taageeriyaashii labada degmo ee ciyaarta daawanayay, shacab weynihii Garoonka ENG Yariisow Stadium ku sugnaa iyo mas’uuliyiintii dowladda federaalka ka socotay ee garoonka ku sugnaa.

Kooxaha Dharkenley iyo Waabari ayaa xalay isla dhaafiwaayay 0-0 ka dibna waxaa lagu kala baxay Gool ku laad iyadoo ciyaartaas ku dhamaatay 3-2 oo guusha ku raacday kooxda Dharkenley waxayna ciyaarta ahayd Dharkenley oo 3 Gool ku badisay halka Waabari la timid 2-Gool waxaana sidaas guusha ciyaaraha ee Degmooyinka ku qaaday Degmada Dharkenley.

Ciyaartaas adag ee ay iskiiga hor yimaadeen kooxaha Dharkenley iyo Waabari ayaa waxay ahayd FINAL ka dib markii u soo gudbeen kama dambaysta ciyaarihii Degmooyinka loo qabtay.

Koobka ciyaaraha ee degmooyinka ayaa waxaa Kooxda degmada Dharkenley gudoonsiiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish).

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ugu hambalyaysay degmada Dharkenley guusha dahabiga ah ee kooxdooda usoo hoyeen iyadoo kula dardaarantay Ciyaartoyda inay sii xoojiyaan xirfadooda ciyaaraha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa dhankiisa hambalyo udiray maamulka iyo shacabka Degmada Dharkenley guusha innaba caadiga ahayn ee ay gaareen awgeed.

“Ciyaarahan caawa aan soo gabagabeynay waxa ay ka tarjumayaan qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada Hambalyo Degmada Guushu raacday”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.

Ciyaartan hadda guusha ku raacday Dharkenley ee ay wada ciyaareen Waabari ayaa laba jeer baaqatay markii hore waxay baaqatay 24 October iyadoo markii labaadna baaqatay 4 bishan December ee aan ku jirno oo ku aadanayd habeenkii arbacada ee khamiis soo galaysay.

Sababta hore ee baajisay ayaa waxaa lagu sheegay cilid ku timid Korontada Garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium laakiin Radio Danan ayaa waxay gadaal dambe ka ogaatay in ciyaarta loo baajiyay khilaaf ka dhax taagnaa Gudoomiye Cumar Finish iyo Wasiir Khadiija iyadoo arinkaas dadaal dheer ka dib lagu guulaystay in xal laga gaaro.