Laba nin iyo gabadh ayaa lagu dhaawacay masraxa beerta boqor Cabdallah oo ku yaal caasimada boqortooyada sucuudiga ee Riyadh xili ay halkaasi ka socdeen bandhigyo toos ah iyo muusig taas oo noqoneysa dhacdadii ugu horeysay ee Noocaan oo kale ah tan iyo Markii Boqortooyada bilowday furitaanka xayiraadaha madadaalada. Booliiska ayaa xiray tuhamane loo Aqoonsaday inuu yahay 33jir Reer Yemen ah oo daganaa sucuudi carabiya ninkaan ayaa kaso muuqday kaamerooyinka warbaahinta iyo fiidiyowyo muujinaya Weererka. dhaxal sugaha boqortooyada sucuudi carabiya Mohamed Binu Salmaan ayaa fududeeyay xannibaadaha bulshada wuxuuna dallacsiiyay madadaalo ay horay mamnuuc ugu ahayd boqortooyada muxaafidka.
“weerarkaan kadib waxaan fili karnaa in si ba’an ay ugu soo horjeedaan kuwii ka soo horjeeday Hirgalinta madadaalada sacuudiga.