Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar diyaaradeed oo israa’iil xalay ay ku qaaday duleedka caasimadda dalka suuriya ee Dimishiq sida ay sheegtay war baahinta dowladda suuriya .Israa,iil ayaa dhankeeda sheegtay in milatarigeeda ay weerareen bartilmaameedyo militari oo iiran iyo suuriya ay ku leeyihiin gudaha suuriya waxayna ku tilmaamtay tallaabo aar gudasho ah.
Sida laga soo xigtay wakalada wararka SANA guri ku yaal magaaalada SASA koonfur galbeed ee Dimishiq aya lala beegsaday gantaalo kaas oo sababay burburka dhismaha iyo dhimashada laba qof oo rayid ah. Sedex kale oo dhaawacyo soo gaareen ayaa lagu dabiibayaa isbitaal ku dhaw halkaasi .
Isra,iil oo xasuuq ba,an kageeysato marinka qaza ee dhulka falastiin ayaa sheegtay inay boqolaal ka mid ah weerarada ay ka fuliso gudaha siiriya ay ku bartil maameydsato kooxo ay sheegtay inay qas kawadan xaduudaha israa,iil .