Israa,iil oo Dishay Taliyihii Jabhadda Islaamiga Ee ka Dagaalanta Marinka Qaza

Israa,iil ayaa dishay taliyihii jabhadda islaamiga ahaa ee Islamic jihad kadib Gantaalo laga soo riday marinka  Qaza sida ay sheegtay wakaalada reutaris . Baha Abu Al-Ata oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa  kooxda xagjirka ah ee Reer falastiin ee taageersan kooxda Islamic jihad ayaa ku dhintay gantaal lala beegsaday .Israa,iil ayaa ku Eedeysay sarkaalkan weeraro isdaba joog ah  oo qorsheysan .

Dilka Baha Abu Al-Ata ee gurigiisa lagu dilay ayaa umuuqda inu culeys cusub ku keenayo kooxda xamaas oo inta badan isku dayeysay  inay xabad joojin la sameyso Israa,iil tan iyo dagalkii 2014. Xaaskii Al –Ata ayaa sidoo kale lagu dilay qaraxaas ka dhacay dhisme ku yaal degmada shejaia. 2 qof oo kale aya sido kale lagu dhaawacay siday sheegen kooxda Islamic Jihad.

Bayaan ay soo saareen militariga israa,iil ayaa lagu sheegay  in Raii,sul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu  fasaxay hawlgalka ka dhanka ah Al –Atta  ,isagoo oo ku Eedeyey gantaalki ugu dambeyey ,diyaaradaha aan duuliyaha wadin  ee ka dhanka ah israa,iil Iskuna dayay inuu gudaha u galo marinka Qaza . waxaa sidoo kale bayaanka lagu cadeeyay inuu masuul ka ahaa dhamaan dhaqdhaqaaqyada islamiga ah ee falastiiniyiinta ee ka socda marinka Qasa.

Dhanka kale xaamas ayaa sheegtay in israa,iil ay qaadi doonta masuuliyada buuxda dhamaan cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilkaas.