ilaha dhaqaale ee dalka oo booqday Ra’iisul wasaare Khayre

Xarunta wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo xarunta Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa galabta waxaa booqasho kormeer shaqo ku tagay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyadoo xarunta wasaaradda Maaliyadda uu kulan dar-dargelin shaqo kula qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha wasiirka Maaliyadda Prof Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow iyo howl wadeena wasaaradda wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ka xog wareystay halka ay wax marsiinayaan.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh ayaa wuxuu jiraa dalka Uganda iyadoo magaalada Kampala uu ugu qayb galay shir halkaas ay ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Maamul goboleedyada iyo wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa Ra’iisul wasaaraha u sheegay in howsha wasaaradda iyo shaqaalahaba meel wanaagsan ay marayaan oo shaqadii wasiirka uu u wakiishay gadaashiis wax ceeb ah ku imaan.

Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyay ku simaha wasiirka Maaliyadda Prof Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow iyo shaqaalihiisa inay laba jibaaraan shaqada adag ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan.

Intaas ka dib ayaa Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu booqday xarunta Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyadoo xarunta Bangiga dhexe kulan uu kula qaatay Gudoomiyaha iyo howl wadeenada Bangiga dhexe wuxuuna ka dhageystay warbixin la xiriirta howsha shaqo ee ay hayaan.

Mas’uuliyiintii uu la kulmay ayaa Ra’iisul wasaaraha u sheegay in howl adag oo dar-dar leh ay wadaan meel wanaagsana wax marsiinayaan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kula dar-daarmay mas’uuliyiinta Bangiga dhexe in howsha iska adkeeyaan oo ka sii xoojiyaan meesha hadda ay wax marsiinayaan.