Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo soo Bandhigay Hub iyo shaqsiyaadkii watay

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda  Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud.

Marka ay ciidanka amniga gacanta ku dhigayeen raggan waxaa ay gacanta kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus.

Ciidanka waxay tageen oo ay 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed ka soo saareen goobo keyd u ahaa ragaan  oo ay hubka ku duugteen.

Raggan ayaa qirtay inay ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad aan waxba galabsan.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka.