Hay,adaha Xuquuqul insaanka oo ka Digay Guriyeenta ay israa,iil ka Wado Dhulka Falastiin

Xafiiska xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ayaa talaadada manta sheegay in guriyeenta ay Israa,iil ka wado dhulka falastiin ay tahay sharci daro iyo in Israa,iil ay jabisay sharciga caalamiga ah .”isbadal lagu sameeyo mowqifka siyaasadeed oo ay  sameyso hal dowladd wax kama beddeli karto sharciga golaha Amaanka ,mowqifyada maxkamada caalamiga ah “ ayuu yiri af hayeenka Xafiiska xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay.

Hay’ada  xuquuqul insaanka ee Human right watch ayaa sheegtay in trump uusan tirtiri Karin sharciga ku manaanka sano jirsaday iyo in go’anki Trump uu yahay dambi dagaal sidoo kale hay’ada Amnesty International ayaa sheegtay in dhismaha iyo Guriyeenta Israa,iil ay jibiyeen sharciga caalamiga isla markaana ay u dhigan tahay  dambiyo dagaal

“Maanta dowladda mareykanka waxay Aduunka intiisa kale ugu dhawaaqday inay rumeysan tahay in mareykanka iyo Israa,iil ay ka sareeeyan sharciga caalamiga ah iyo in Israa,iil sii wadi karto ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda Aadanaha falastiin iyo in Mareykanka uu si adag u taageri doono israa,iil sameynta dambiyadaas “ aya lagu yiri bayaanka hay’ada Amnesty International.