Hay’adaha dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa uu shir uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hay’adahan oo ka kooban Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka FS, Guddiga Madaxbanaan ee Dastuurka, Wasaarada Arimaha Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka dawlad goboleedyada ayaa inta ay joogaan Istanbul waxaa ay isla fiirin doonaan dhamaan cutubyada dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyey ayadoo khubaro ka socda Hay’adda Max Planck ay ka talo bixin doonaan dib u eegista ay sameeyeen labada Guddi.
Wararka Hay’adaha dib u Eegista Dastuurka Oo shir uga furmay magaalada Istanbul
- Advertisement -