Hay’ada Who Oo Sheegtay In Ay Cudurka Dabeysha Katalaalayso Caruur Dhan 1.7 milyan

Ururka caafimaadka Aduunka Ee WHO ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso ololaha talaalka cudurka jadeecada iyo dabeysha  oo ay iska kashanayaan WHO iyo sanduuqa qaramada midoobay ee carrurta UNICEF.  ololaha oo lagu tallaalayo ilaa 1.7 milyan  oo caruur Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay WHO  in ay  talaalkaas bilowday 24 Novembar  oo ku begneed Axadi shalay kuna egyahay 29 novembar.

Caruurta da,doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga talaalayaa cudurka dabeysha halka  talaalka jadeecada qadan doonan carruurta da’dooda u dhaxayso 6 ilaa 59 bilood. hay’adahaan iska kashanaya talaalakan ayaa xusay in  shaqaaalaha caafimaadka ay diiradda saari doonan caruurta ku nool  gobolka banaadir ,hirshabelle ,jubaland,koonfur Galbeed ,Galguduud iyo caruurta ku nool Degmooyinka ay ku badan yihiin dadka Gudaha ku barakacay.

Wakiilka WHO DR Mamunur Malik ayaa sheegay in mid ka mid ah todobada caruurba ay u dhintaan cudurada dabeysha iyo jadeecada .hay’adahaan ayaa ugu baqaay shacabka Soomaliyeed in ay  muujiyaan wadashaqeen si cuduradaas  looga  badbadiyo caruurta Soomaliyeed.