Gudoomiye Mursal Oo kulan la Qaatay Safiirka Qadar Ufadhiya Soomaliya

Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Maxamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa maanta oo khamiis ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay safiirka Dawladda Qatar u fadhiya soomaaliya Hassan hamza asad Hashem.

Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka barlamaanadda Qatar iyo soomaaliya , iyada oo safiirkana uu gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay soomaaliya ka wadaan.