Faafaahino laga helayo Gudoomiye iyo wiil uu dhalay oo Jowhar lagu dilay

Gudoomiye ku xigeenkii amniga maamulka shabeelaha dhexe Maxamed Sugaal Cismaan yo wiil yar oo uu dhalay ayaa caawa lagu dilay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ka dib weerar dablay hubaysan caawa ay ku qaadeen hoygiisa oo ku yaala degmada Jowhar xaafad ka mid ah sida goobjoogiyaal ay u sheegeen Warbaahinta Danan ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Maxamed Sugaal Cismaan ayaa waxaa la sheegay in dablay hubaysan hoygiisa caawa ku weerareen bam gacmeed ka dibna dhaawac culus uu soo gaaray Gudoomiyaha amniga shabeelaha dhexe Maxamed Sugaal Cismaan sidoo kale uu la dhaawacmay wiil yar oo ka mid ah ilmihiisa ka dibna dhaawicii soo gaaray awgeed ay ugu geeriyoodeen Isbitaalka Jowhar oo dhaawacyadooda la dhigay.

Dablayda weerartay hooyga Gudoomiye ku xigeenkii amniga shabeelaha dhexe Maxamed Sugaal Cismaan ayaa la sheegayaa inay ka baxsadeen goobta iyadoo weerarkaasi ka dib guriga ay gaareen Ciidamada amniga degmada ka dibna baaritaan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar inkastoo ay baxsadeen dablaydii dishay Maxamed Sugaal Cismaan iyo wiilkiisa saqiirka ah haddana Ciidamada waxay baadi goob ugu jiraan kooxdaas dishay marxuum Maxamed Sugaal Cismaan.