Gudoomiye Cumar Finish oo kormeeray degmooyinka

Hogaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer qaaray dhowr sac ku tagay 17-degmo ee Gobolka Banaadir si loo xoojiyo gurmadka loo sameynaayo dadka dantayar ee saameeyay roobabkii da’ay magaalada Muqdisho saacadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee Wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunool yihiin dad barakacayaal ah kuwaasoo kusoo dumay dhismaha iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray kadib iskaashi dhaxmaray waaxda gurmadka deg dega ah ee dab-damiska iyo dadka deegaanka.

xiliga mashquulka lagu ahaa badbaadinta dadkii ku hoos jiray dhismaha soo dumay ayaa waxaa giobtaasi gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) isagoo qayb ka noqday gurmidkii meesha ka socday ee badbaadinta qoysaska.

Sidoo kale kormeerka madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa ahaa mid ay ugu kuur galaayeen saameenta ay daadadka roobka ku yeesheen isticmaalka wadooyinka Muqdisho iyadoo Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa iyo intii kale ee la socotayba indhahooda ku arkeen burburka xooggan ee soo gaaray wadooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee daadadka roobka gudaha ugu soo galeen waxey sidoo kale mas’uuliyiinta kormeer lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha jiifeen isla markaana aad u bur buray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho.