Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib howla shaqo oo uu u joogay dalka kooonfur afrika halkaas oo uu uga qeyb galay shirka duqa magaalooyinka Caalamka ee Global Parliament of Mayors (GPM).
Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish waxaa Airport Aadan Cade si weyn waxaaugu soo dhaweeyay madax kala duwan iyo ururada bulshada rayidka.