Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo kahadlay Arimaha Doorashada ee Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay xilligeeda ku dhici doonto, isagoo caddeeyay in Baarlamaanka uu gacanta ku haayo sharciga doorashooyinka oo la filayo in dhamaadka bishan November laga doodo, lana ansixiyo bilowga bisha December ee soo socota.

“Doorashada xilligii loogu tala galay ayay dhici doontaa, haddii alle idmo, waqtiga doorashada dhici doonto dastuurka ayay ku qoran tahay, muddada dowlad walba shaqeyneyso waa afar sano, afarta sano marka ay dhamaato doorasho waa qabsoomeysa”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal  oo ku sugan magaalada Jigjiga.