Gudoomiyaha G/Banaadir oo kor meer kusameeyay dhismooyin kasocda qaar kamid ah degmooyinka G/Banaadir

Kormeer ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu ku tagay dhowr meel oo kamid xarumaha dowlada hoose iyo wadooyinka Muqdisho.

Isgooska Fagax oo kamid isgoosyada ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho ayaa xiligaan waxaa biya dhigay roobkii da’ay iyadoo uu hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha hasa’ahaate waxa ay dowlada hoose Xamar kawadaa howla lagu nadiifinaayo wadadaasi.

Xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ayuu sidoo kale duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish booqday waxa uuna warbixin ku saabsan dhismaha xaruntani iyo howlaha lagu qabtay ka dhageestay hogaanka ururka dhallinyarada gobolka Banaadir.

Xarunta dad-dhigista dowlada hoose Xamar ayuu kormeerkiisa islaxisaabtanka ah kusoo gunaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uuna kula dardaarmay taliska ciidanka ilaalinta dowlada hoose inaan la aqbali doonin habacsanaan ku imaada howlaha bulshada loogu qidmeynaayo iyo bilicda Caasimadda.

Waxaa uu sidoo kale kormeeray waaxda dad-dhigista oo kula kulmay agaasimaha waaxdaasi Sharmaarke Abuukar iyo shacabkii loo qidmeynaaye isagoo ka xog wareestay howlaha kala duwan oo ay bulshada u haayan.

Markuu uu kormeer kaasi soo idlaaday ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la hadlay Warbaahinta.