Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo lagu Dhawaaqay

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka puntland ayaa maanta waxa ay doorteen Gudoomiyaha cusub ee Hogaamin doono Sanadaha soo socda.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Ayaa  waxaa u sharaxnaa 3 Murashax oo kala ah Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Saalax iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

waxaana ugu danbeen ku Guuleestay doorashadaas C/rashiid Yuusuf Jibriil   kaddib markii uu wareegii labaad ee doorashada uu ku guuleystay codod dhan17 cod.

Gudoomiyihi Hore ee xilka laga qaaday ayaa dhankiisa waxa uu ku adkeesanayaa in wali uu yahahay gudoomiyaha saxda ah ee maamulkaas iyadoona maanta ay xildhibaanada Baarlamaanka puntlan ay doorteen Gudoomiye cusub.