Gudiga Gurmadka Garoowe oo ka war bixiyay Deeq ay u qeybiyeen shacabka ka barakacay fatahaada Wabiga shabelle

Waxa magaalada baladweyne  Ee xarunta gobolka hiiraan  gaaray gurmad ay sameeyeen dhalinyaro ka imaaday magaalada garoowe ee Caasimada maamulka puntland kuwaas oo waday gargaar ay ku caawinaayeen dadkii uu  saameyay  wabiga shabelle ee kufatahay magaalada beledweyn.

Mid kamid ah dhalinyarada gurmadka geeyay  baladweyne oo la hadlay  Warbaahinta danan ayaa sheegay in ay qeybiyeen waxyaabahii ay u wadeeen qoysaska dhibaateysan ee  ku sugan duleedka baladweyne kuwas xaalad macluul ah ay ku heyso halkaas.

Hoos kadhageyso codka  Mid kamid ah dhalinyarada gurmadka Geeyay baladweyne:-

110107_001