Guddiga KMG Ee soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo gaaray Magaalada Kismaayo

Guddiga KMG ah ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa gaaray Magaaladda Kismaayo.

Guddigaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa halkaas waxaa  kusoo dhaweeyay Musuuliyiin ka tirsan maamulka jubbaland.

Ujeedkooda safarkooda ayaa waxa lagu sheegay in ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeeshaan Mas’uuliyiinta Maamuul Goboleedka Jubbaland iyo Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada reer Jubbaland.

Safarkaan ayaa kamid ah safaro ee ay maalmahaan ku marayeen dowlad goboleedyada dalka ka jira