Golayaasha Soomaaliland oo waqtiga loo kordhiyay

Golaha guurtida Soomaaliland ayaa muddo laba sannadood ah u kordhiyay xildhibaanada wakiillada halka iyaguna ay saddex sano isu kordhiyeen ka dib kulan maanta ay ku yeesheen xaruntooda Magaalada Hargaysa ee Soomaaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Salebaan Maxamed Aadan oo kulanka shir guddoominayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 71 xibnood oo codeyn ka dib isku raacay in muddo laba sano ah waqtiga loogu kordhiyo Golaha Wakiiladda Soomaaliland.

70 ka mid ah 71 xubnood ee fadhiday kulanka golaha guurtida ayaa ogolaatay in xiliga loo kordhiyo golaha wakiilada Somaliland.

Muddo kordhinta labada dhinac ayaa waxay noqonaysaa markii lixaad oo golayaashan mid waliba waqtiga loo kordhiyo iyagoo soo shaqeeyay 15 sano ee la soo dhaafay.