Golaha wasiirada Puntland oo walaac soo wajahay

Shirka Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo todobaadkan ku qabsoomay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta waxaa marka hore aad looga hadlay arimaha amniga xaaladda siyaasadeed ee isdiidan ee haatan dalka uu marayo ,Xeerarka Puntland ugu degsan arimahaas iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka ee maamulka Puntland sidii loo dedejinlahaa.

Intaas ka dib ayaa waxaa la gudagalay awooda siyaasadeed ee hadda ay la soo baxeen ee dalka ay ku dhaqayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo doorka dhankooda kaga aadan arinkaas iyo sida ku haboon ee ay ka yeeli lahaayeen.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib Golaha wasiirada Puntland ayaa waxay sheegeen siyaasada cusub ee ay la soo baxeen madaxda Federaalka Soomaaliya in qatarteeda ay leedahay lana dhayalsan karin sidoo kale waxay tilmaameen in xataa Puntland saamayn weyn ku yeelan karto awoodaha dardarka leh ee dowladda dhexe dalka ku soo kordhisay.

Golaha ayaa ugu dambayn waxay soo saareen War murtiyeed ay ku faafaahiyeen walaaca ay ka qabaan awooda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wajahayso maamulada hoos yimaada.