Golaha Amaanka Qm Oo War kasoo Saaray Doorashoyinka Qaranka Soomaaliya iyo Arimaha Dowladd Goboleedyada

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo 21kii Nofembar warbixin ka dhageystay Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay uu qabilsan Somaliya James Swan ,madaxa howgalka midowga Afrika ee Soomaliya Francisko Madeira ,Gudoomiyaha komishinka madaxa-bannaan ee doorashooyinga qaranka soomaaliya xaliima ismaaciil Ibrahim iyo xog-hayaha bulshada rayidka cusmaan macalim ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadleen Arimo dhowr ah oo quseeya soomaliya.

Golaha Amaanka ayaa rajo ka Muujiyay suurta galnimada in Gudiga doorashada qaranka soomaliya ay ku qaban karaan doorasho si nabad ah  ku dhacdo ,loo dhan yahay,lagu kalsoonaan karo ,oo hal qof iyo hal cod ah, isla markaasna waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah taasina ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo gacan ka geysaneysa dib u dhiska iyo horumarka soomaliya.

War saxaafadeedka Golaha amaanka ayaa sido kale  lagu xusay in xariirka iyo iskaashiga u dheexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubinaha  ka ah ay tahay mid aad u xun caqabadna ku ah fulinta adeegyada dowladda ayagoo dhanka kale ugu baaqeen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay dib u bilaabaan wadahadalkooda si loo xalliyo qodobbada la isku haayo  loona garo heshiis siyaasadeed oo loo wada dhan yahay .golaha ayaa xusay baahida loo qabo in la xaliyo xaaladaha jubbaland iyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashooyinka dowladd gobolleedka Galmudug.

Golaha amaanka ee qaramada midobay ayaa  war saxafadeedkooda kuso gabagabeeyay in la ixtiraamo  dhulka ,madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada soomaliya