Gobolo ka Tirsan Dalka Australia Oo  lagu soo rogay Xalaad Deg Deg ah

Maamulka Gobalada koonfurta wayles iyo queensland ee Dalka Australia  ayaa  ku dhawaaqay bandow ka hirgali doona Goboladaas. iyadoo laga Cabsi qabo inuu dabka ku faafo Meelo  cusub .sharci dajiyaalka dalka ayaa sheegay in xaaladaan degdeg ah ay dab demiyayaasha u sahli doonta in  si wanaagsan u xakameyaan faafida dabka iyo in ay  soo barakiciyaan dad wali kusugan meelaha laga cabsi qabo inuu gaaro dabkaas.

Gudiga dab damiska ayaa adeegsanaya calaamadaha digniinta ,idaacadaha iyo telefishinada si ay fariin u gaarsiiyaan dadka u nugul inuu dabka asiibo ayadoo dadka lagu Wargalinaayo inay ka barakacaan Goobaha dhirta ay ku badan tahay .ilaa iyo hada waxaa kudhimatay dabkaas Australia 3 qof halka dhanka kale u burburiyay 150 Guri waxaa sidoo kale laguwadaa in Albaabyada la iskugu dhufto in kabadan 100 goobood oo ah goobaha  waxbarashada lagu barto.

Keymaha Australia ayaa waxaa inta badan ka dhaca dab geysta qasaaro kala duwan 2009ki  ayay aheyd markii dab kadhacay magaalada Victoria ay ku nafwaayeen 173 qof halka ay ku dhawacmeyn 414  qof ayadoo loo aqonsaday maalintaas malin madow.