Gawaari Lagu Gubay Wadada Number Lixdan

Gawaari gaareysa Afar  ah nooca loo yaqaan Hoomeey ayaa lagu gubay wadada Number Lixdan.

Baabuurtan ayaa siday qudaar iyagoo markaa kusoo jeeday dhanka Magaalada Muqdisho waxaana wararku sheegayaan in ay kasoo leexdeen wadada Janaale marta taasoo ah wadada kaliya ee furan inkastoo ay gooyeen Robabka ka da’aya Gobolka Shabeelaha hoose.

Gawaarirad ayaa isku dayey in ay maraan wadada number lixdan taasoo ah mid gabi ahaanba xiran oo aan la marin xiligan.

Dablayda gubtay Baabuurtan ayaanan wali la xaqiijin