Duqa Magaalada Muqdisho Oo Maanta kulan layeeshay Francisco Mandeira.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay ergayga midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Francisco Mandeira.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Amisom ayaa kawada hadlay sugida amniga Caasimadda,  ladagaalanka alshabaab  iyo u diyaar garowga arimaha doorashooyinka soo socda. sidoo kale labadaan masuul ayaa waxa ay kwada hadleen  xoojinta iskaashiga Gobolka Banaadir iyo Midowga Afrika‬.