Duqa Magaalada Muqdisho Oo lawareegay Deeq Gar gaar ah oo loogu talagalay Dadkii uu saameeyay Roobabkii Kada,ay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareenta musiibooyinka ee XFS mudane Xamsa Saciid Xamsa kala wareegay deeq gargaar ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Barakacayaasha ee ku nool kaamamka ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo saameen weyn ku yeeshay roobabkii mahiigaanka ah ee ka da’ay Muqdisho iyo qeyba badan oo dalka kamid ah.Roobabkii ka da,ay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu saameen xoogan ku yeeshay dad aad u badan iyadoona qaar kood ay codsadeeen in lacaawiyo.