Dowladda FS oo beenisay warbixintii La Repubblica

Ka dib markii dhowaan Wargayska La Repubblica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga uu daabacay Warbixin sheegaysa in dowladda Talyaaniga dib ugu lalaabatay Dowladda Soomaaliya lacag dhan 6 Million oo Dollar ka dib markii isfahan waa soo kala dhax galay Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxda dowladda Talyaaniga mashruuc Biyo xireen ah oo lagu samayn lahaa Wabiga Shabeele.

Lacagta 6 Million ee Dollar ayaa Wargayska wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga ugu talagashay in Biyo xireen lagu sameeyo Wabiga Shabeele gaar ahaan magaalada Beledweyne meelaha uu kaga soo fatahayo magaalada.

Mashruucaas oo qaadan lahaa mudoo labo sanadood ah ayaa Wargayska wuxuu sheegay in Talyaaniga bishii Juun ee sanadkan ay kala saxiixdeen Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo Hay’adda Italian COOPI ee dalka Talyaaniga iyadoo mashruucaas iska kaashan lahaayeen Wasaarada Beeraha Soomaliya hay’adda Italian COOPI iyo Hay’adda QM uqaabilsan Beeraha iyo Cunada ee FAO laakiin ay ku qanciwaayeen habka dowladda wax uwado.

Sidaas awgeed dowladda Talyaaniga ayaa dib ulalaabatay mashruucaas sida uu qoray Wargayka La Repubblica ee dalka Talyaaniga ka soo baxa.

Haddaba dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay Warbixintaasi ayaa beenisay warkan uu baahiyay Wargayska La Repubblica waxayna ku sheegeen in wargayska uu baalmaray xaqiiqda dhabta ah ee warkan uu lee yahay.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo qoraal jawaab u ah warkii Wargayska La Repubblica soo dhigay bartiisa Twitter uu ku leeyahay ayaa wuxuu beeniyay jiritaanka warka ah in lacag 6Million ah Talyaaniga dib uceshtay wuxyuna sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya dowladda Talyaaniga ugudbisay dalab taageero ah si Biyo xireen loogu sameeyo Wabiga Shabeele.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa intaas hadalkiisa ku daray in wali wada hadal usocdo labada dowladood wax laceliyay iyo wax la saxiixay toona ilaa hadda jirin.

“Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortago fatahaadaha wabiga Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto xaalada iyo qaabka Biyo xireen loogu samayn karo wabiga,wada-hadalkana weli waa socdaa,lama ansixin,lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda”ayuu yiri wasiir Jamaal Maxamed Xasan.