Dowladda Afganistan Oo ku Dhawaaqday inay Sii Dayneyso Maxaabiis Taalibaan ah

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Gani ayaa ku dhawaaqay in dowladda Afghanistan ay sii deyn doonta sedex nin oo saraakiil sare ah oo katirsan Taalibaan oo lagu badalanayo aqoonyahano mareykan iyo Australian ah oo laga afduubay caasimadda Kapul meel ka baxsan jaamacada mareynkanka seddex sano ka hor . “waxaan go,aansanay inaan si shuruud la’aan ah Ku sii dayno seddex maxbuus oo Taalibaan ah oo lagu xiray dalka dibadiisa “ ayuu yiri madaxweyne Ashraf Gani . Haji Mali Khan ,Anas Haqqani oo walaalkis ka weyn yahay kuxigeenka hogaamiyaha Taliban iyo madaxa shabakada Haqqani oo xiriir la leh Taaliban iyo Hafiz Rashid ayaa la qabtay sanadkii 2014 Madaxweyne Ashraf ma uusan sheegin xog kusaabsan la haystayaasha reer galbeedka walow carabka uu ku dhuftay caafimadkooda inay ka sii dartay intii ay ku jireen gacanta argagixisada madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday inay tahay bilowga wadahadalada aan tooska aheyn ee u dhexeysa dowladiisa iyo Taaliban .

Taliban iyo dowlada Afghanistan ayaa qarka u saarna heshiis nabadeed bishi Sebteber markii madaxweynaha mareynkanka Donald Trump uu joojiyay wadahadalada kadib markii askari mareykan ah lagu dilay weerar Taalibaan.