Dowlada Somaliya oo Ciidan dheeraad ah Geysay magaalooyin ay kala Wareegtay ahlu Sunna

Wararka naga soo gaaraya Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ay gaartay diyaarad siday Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Diyaarada ayaa la sheegay inay wado Ciidamo ka tirsan Booliska sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad,kuwaas oo laga qaaday Magalada  Muqdisho, iyaga oo Ciidamadani qayb ka noqonaya Ciidan hore ay ugeeysay dowlada kuwaasoo sugi doona Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay dhowr mar u geysay Ciidamo ka tirsan kuwa,kuwaas oo la wareegay Xarunmo muhiim u ahaa ururka ahlu sunna