Iyadoo la wado dhageysiga taariikhiga ah ee xil ka qaadista madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa xisbiyada dimoqraadiga iyo jamhuuriga ay sii adkeyeen Doodahooda ku Aadan ficillada madaxweyne Trump .
Xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in kal fadhigii aan Caadiga aheyn ee Arbacadii ay sheegen in Golaha uu shaaca ka qaaday cadeymo xoogan oo mujinaya in Trump kutagrifalay xafiiskisa asagoo ku cadaadiyey madaxweynaha cusub ee Ukraine inuu baaritaano siyaasadeed ku sameeyo xisbiga ka soo horjeeda ee dimuqraadiga.
Xisbiga jamhuuriga ee Madaxweyne Donald trump ayaa ka horyimid dhageysigaasi oo si toos ah looga baahiyey warbaahinta waxa ayna sheegeen in uusan muujinin cadey mahasi Madaxweyne Trump ayaa dafiray faah faahinada dheeriga ah ee ku Aadan mid ka mid ah Marqaatiyaasha oo shaaca ka qaaday wicitaan teleefan oo madaxweyne Trump la yeeshay madaxweynaha cusub ee Ukrain.