Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ka socdaan Banaanbaxyo looga soo hor jeedo Caleema saarkii axmed madoobe uu ku qabsaday magaalada kismaayo
Banaanbaxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha degmada Baardheere ,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid yihiin axmed madoobe doonimeyno iyo Eryayo kale oo ka dhan ah dowlada kenya.
Banaanbaxa labaad ayaa sido kale waxa uu isna ka dhacay magaada madaxda gobolka gedo ee garbahaarey iyagoo ku hadaaqayay hadalo ka dhan ah siyaasiyiinta dhaba dhilifka u ah dowlda kenya doonimeyno
Shacabka ayaa aad uga Carooday aflagaadadii shalay Aadan barre u geystay Qaranka Soomaaliyeed
Sikastaba dad badan ayaa ka Careysan xadgudubka Qarannimada soomaaliyeed ay ku heyso dowlada kenya iyadoo adeegsaneysa siyaasiyiin daba dhilif u ah.