Dhageyso:- Wasiir ku xigeenka Wasaarada howlaha guud ee Galmudug oo shegay in aysan jirin wax ahlu sunno la yiraahdo

Axmed Cabdullahi Maxamuud Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Howlaha Guud ee Galmudug sidoo Kale Horay Uga soo Mid ahaa xubnihii Sar sare ee maamulka Ahlusuna, ayaa sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo ahlu suna, Beeniyayna Colaada ka dhax taagan ahlu sunna iyo dowlada.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Howlaha guud ee galmudug oo wareysi sii yay Idaacada danan ayaa sheegay in waxa hadda galmudug ka socda ay yihiin wax sixid balse aan aheyn wax dagaal ah

Wasiir Ku xigeenka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Cabdullahi ayaa Idaacada danan usheegay in galmudug iyo dowlada ay dhaxmartay shaqo shaqadaas oo ah sidii loo dhisi lahaa galmudug dhammeystiran.