Dhageyso:- Mid Kamid ah Dadkii Xalay Gurmadka Kaqeyb Qaatay oo Sharaxay Dhibaatadii Ka Dhalatay Daadadka Roobka Sababay

Waxa saameeyn xoogan ku yeeshay  danyarta ku nool duleedka magaalada moqdisho roobabkii xalay iyo shalay ka da,ay moqdisho waxaana jira qoysas guryaha biyo ugu galeen oo  ku sugan duleedka moqdisho sidoo kale waxaa jira dhimasho ka dhacday moqdisho oo dad ay daadad qaadeen ay ku naf waayeen roobabkii xalay ka da,ay moqdisho.

waxaa kaloo  jiro dad guryahii ay daganaayeen kusoo dumeen  kuwaas oo laga soo badbaadiyay  halkii ay mashaqadu ka dhacday.

Waxa daadadka ka dhashay roobabka ku naf waaye dad gaaraya ilaa 3 ruux waxana jiro dad da,ah oo iyana  laga soo badbaadiyay iyadoo ay sidaan biyaha ka imaaday roobabka kuwaas oo deganaa duleedka magaalada moqdisho.

Waxa danan u waramay  mid kamid ah dadka deeganka albiri ku sugan oo ka mida dadka soo badbaadiyay dadka ay daadadku qaadeen kaas oo codsaday in danyarta duleedka moqdisho ku sugan lalasoo gaaro gargaar deg deg ah

Hoos kadhageyso Codka :- mid kamid ah dadka deeganka albiri ku sugan oo ka warbixiyay saameenta uu Roobka yeeshay.

110102_003