Dagaalyahanada Alshabaab oo kabaxay Deegaano katirsan Gobalka Mudug

Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug  ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-shabaab ay iskaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Xarakada Alshabaab ayaa  iskaga baxday deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug kadib markii cabsi xoogan ay kasoo wajahday dhanka ciidamada dowldda oo ku sugan meel aanka fogeyn Deegaanada ay ka baxeen dagaalyahanada alshabaab.

Shacabka ku sugan deegaanada maraale iyo deeqlo ayaa ka cabsi qaba in halkaas weeraro kale ay ka dhacaan iyadoo dagaalyahanada alshabaab ay meelaha ay ka baxaan dib usoo weerara isla markaana ay kula dagaalamaan ciidamda dowladda.