Dagaal sababay khasaaro oo ka dhacay shabeelada dhexe

Galabta ayaa dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay uu ka dhacay deegaanka Maandheere ee Gobolka Shabeelada dhexe ka dib markii Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al shabaab halkaas dagaal iskiiga hor yimaadeen.

Waxaana lagu soo waramayaa in dhanka Ciidanka dowladda dagaalkaasi looga dilay dowr askari halka Al shabaana xaggooda khasaaro weyn uu ka soo gaaray dagaalkaasi sida Warbaahinta Danan usheegay mid ka mid ah bulshada deegaanka lagu dagaalamay ku sugan.

Dagaalka galabta ka dhacay deegaanka Maandheere ee shabeelada dhexe ayaa waxaa ku dhintay seddax Sarkaal oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo lagu kala magacaabo Dhame Cabdi Xasan Cali Dhiilow iyo Saraakiil magacyadooda lagu soo koobay Ayuub iyo Maxaad Jiis.

Dagaalkaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Askartii dagaalka lagashay kooxda Al shabaab iyadoo Al shabaab dhankooda la sheegayo in dhaawacyo tirabadan ka qaateen deegaanka sidoo kale meydad ciidankooda ah wali yaalaan Maandheere.

Deegaanka Maandheere ee lagu dagaalamay ayaa hadda waxaa ku sugan oo maamulaya Ciidanka dowladda iyadoo xaaladana ay degan tahay.