Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.
Wasiir Sabriye ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.