Ciidanka Dowlada ee Ku sugan dhuusamareeb oo Soo dhaweeyey Taliye iyo ciidankiisa oo ka tirsanaa ahlu sunna

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in taliyihii ciiidanka Ahlu Sunna ee joogay degmada Guriceel, Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamo uu wato ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya.

Taliyahaan ayaaa gaaray magaalada dhuusasamareen iyadoona halkaaas ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi isagoona wada hadal hoose la galay saraakiishii halkaas ku soo dhaweeyey

go’aan ay ku dhaqaaqeen taliyaha iyo Ciidamadiisa ayaa imaanaya xili uu khilaaf adag uu udhaxeeyo ururka ahla sunna iyo Dowlada federaalka taasoo ay dhalisay in ciidanka ahlu sunna lagala wareegay deegaano iyo degmooyinka hoos taga magaalada dhuusamareeb