Ciidamada Puntland oo howlgal ka fuliyay buuraleyda khatarta badan

Ciidamada amniga maamulka Puntland ee loo yaqaano (PSF) ayaa maanta waxay howl-gal naf hurnimo leh ka fuliyeen buuraladay la kala yiraahdo Gol-cadaabeed iyo Moqor ee ku yaala dhulka Buuraha leh ee Cal Miskaat kana tirsan deegaanada Maamulka Puntland sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Puntland ee amniga qaabilsan.

Buuralayda Gol-cadaabeed,Moqor iyo Cal Miskaat ayaa waxaa deegaan u ah kooxda daacishta ee Soomaaliya ka dagaalama iyadoo dhowrkii sano ee la soo dhaafayba halkaas fariisin u ahaa kooxda Daacish lagana saari waayay.

Ciidamada Puntland oo watay gaadiidka dagaalka ayaa saaka subixii hore ku kalahay dhulkan kaynta ah ee Gol-cadaabeed,Moqor iyo Cal Miskaat ee gobolka Bari iyagoo ujeedkoodu ahaa in kooxda Daacish ay ka saaraan dhulkan buuralayda ah ee laga saari waayay kooxdan balse wax dagaal ah kama dhicin deegaanadan maanta Ciidamada ay gaareen sida aan wararka ku helnay.

“Hawl-galkan maanta ka dhacay dhulka buuraleyda ah ayaa wuxuu qayb ka yahay hawl-galo joogta ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanada Puntland kooxaha argagixisada ah ee damacoodu yahay gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Puntland”ayaa lagu yiri qoraalkan kooban ee galabta ka soo baxay taliska Ciidanka amniga maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF.

Kooxdii Daacish ee deegaanka u ahaa dhulkan isku darsaday dhirta yaryar,tan waaweyn iyo Buuraha ee la kala yiraahdo Gol-cadaabeed,Moqor iyo Cal Miskaat ayaa inta aaney soo dhaqaaqin ciidamada Puntland ka war helay in duulaan lagu soo yahay dabadeedna iskiiga huleelay deegaanadaas sida qaar ka mid ah shacabka Xoola dhaqatada ah ay u sheegeen Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho.

Ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa wali ku sugan buuralaydii saaka howl-galka ay u aadeen ee Gol-cadaabeed,Moqor iyo Cal Miskaat ee gobolka Bari sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka iyadoo ilaa hadda aan la ogyn halka jaan iyo cirib ay dhigeen kooxdii Daacish ee dhulkaas muddo maamulayay.