Ciidamadda ciraaq ayaa toogtay 6 kamid ah dibadbaxayaasha magaalada baqdaad halka 7 kalana ay kudileen magaalada basra.
Waxaa sidoo kale lagudhawacay 35 qof iskahor imaad dhexmaray laamaha Amaanka iyo dibadbaxayaasha oo kadhacay buundada shuhada ayadoo dibadbaxayaashan kasocda Ciraaq ay galeen malintii 13.
Dibadbaxayaasha ayaa iskudayey inay kagudbaan labada buundo si ay ugaaraan bankiga dhexe iyo aaga cagaaran halkaas oo hooy u ah madaxda dowladda iyo madaxda safaaradaha. Dibad baxayaal ayaa sidoo kale taayaro kugabay galbeedka ciraaq si ay u xayiraan dakada umu qassri iyo gaadiidka sida badeecooyinka sida ay sheegeen madaxda dakada.