‘Calanka Aan Caawa udabaaldageno iyo Dowladnimo waa walaalo’ waxa sida yiri Ra’iisal wasare khayre oo ka qeyb galay manaasabad lagu xusayay 12 aktoobar

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed 12 Aktoobar oo lagu qabtay taallada dhagax-tuur ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Khayre Oo Munaasabada Ka hadlay ayaa yiri

“12 Aktoobar Sanadkii 1954 Waxa ay aheyd Maalintii ugu horesay ee la gardaadiyay ama labanaabixiyay sidii Caruur la jecel yahay Calanka Soomaaliyeed Waxaa calanku Qangaar noonoqday oo lugihiisa isku taagay markii aan Xornimada Helnay 1960”

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay munaasabada Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho, Kuxigeenadiisa iyo dad shacab ah oo ku soo labistay dharka calanka

12 Aktoobar Sanad walba ayaa goob walba oo soomaali ay joogto laga xusaa Calanka Soomaaliya