Booliiska Baladweyne oo iyagoo Gadoodsan Xirtay Barta ugu weyn ee Canshuurta lagu qaado.

Booliiska Baladweyne oo aad u careysan ayaa xirtay barta ugu weyn ee Lacagta Canshuurta lagu qaado ee Kalabeyr.

Ciidankan Booliiska ayaa ka cabanaya Mishaar la’aan heysata mudo bilooyin ah iyagoo sidaan oo kale marar kala duwan u xiray qeybo kala duwan oo Baladweyne kamida si ay u muujiyaan cabashadooda.
Maamulka Hirshaneele ayaan wali wax ka qaban cabashada ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne ee ku qotonta Mishaar la’aanta.