Banaanbax looga Soo horjeedo dilkii Nabadoon Xaaji siciid oo ka dhacay Kismayo

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo, ee xarunta maamulka Jubaland Ka socda isku soobax balaadhan oo looga soo Horjeedo dilkii  Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland loogu geystay magaalada kismaayo

Dadka shacabka ee isku soo baxa maanta ka sameeyay kismaayo ayaa ku dhawaaqayay in dilkii xalay kismaayo ka dhacay uusan aheen dil ay al shabaab geysteen balse uu yahay dil Siyaasaded

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu kamid ahaa ganacsatada Magaaladas Caanka ka ah Deynna uu ku lahaa madaxweynaha dib isku doortay Ee Axmed madoobe

wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha puntland Siciid dani uu kulan la yeeshay inta uu ku sugnaa magaalada kismaayo Nabadoono uu kamid ahaa nabadoonka una sheegay in ay taageeraan Axmed madoobe balse si kulul uu uga soo hor jeystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise

Wixii ku soo kordha warkan wan idinla soo socodsiin doonaa